Himilo – Kaba tole u dhashay dalka Romania, ayaa ka fikiray sida uu kaalin kaga qaadan karo xakameynta cudurka faafa ee Covid-19, kaas oo dad badan ku dilay dalkiisa hooyo.
Grigore Lup, ayaa billaabay bishii Maarso ee sanadkan sameynta kabo cabbirkoodu yahay 75, markii loo sheegay in dadku ka dhaga adeegayaan dhaqan galinta hab-raacyada caafimaad ee cudurka Covid-19.
Kabahan oo qaab ahaan ka duwan kuwa aan naqaano waxey u dheer yihiin afka hore, taas oo ka caawineysa dadka ineysan isu dhawaadaan si aysan u qaadin amaba uusan u fidin feyruska Karona. Hadda oo ay suuqa soo galeen waxay dalabyo ka helayaan dalalka ka baxsan Romania, sida Mareykanka iyo Belguimka.
“Waxay dadka qaar iyaga dalbanayaan inaan u sameeyo kabo cabirkoodu yar yahay 50” ayuu Lup u sheegay Reuters. Kabahan oo sidoo kale dadka ka xajinaya qabow ayaa halkii joog waxa looga iibsanayaa Yurub 150 yuro oo u dhiganta $180.
Feyruska corona ayaa dalka Romania ku dilay 11 876 oo ruux tan iyo markii laga helay kiiskiisii ugu horreeyay dabayaaqadii Feebaraayo, waxaa la xiray dugsiyadii, Maqaayadihii iyo maslaxyadii dadka lagu madadaalin jiray si loo xakameeyoo cudurka Covid-19.