Kabtanka Belgium Eden Hazard oo ka fariisanaya ciyaaraha caalamiga ah

Himilo – Kabtanka xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah si degdeg ah.

31-sano jirkaan ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu wacneyd qaranka, isagoo ka qeyb qaatay 33 gool iyo 36 caawin 126 kulan oo uu saftay.

Si kastaba ha ahaatee, kubad sameeyaha Real Madrid ayaa hadda kasoo muuqday ololaha Koobka Adduunka, Red Devils (Qarankiisa) ayaa laga reebay tartarnka ka hor inta aan la gaarin wareega 16-ka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ayaa ku yiri; “Waxaan go’aansaday inaan soo afjaro xirfadeyda caalamiga ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Hazard mustaqbalkiisu wuxuu ahaa mid hoos u dhac ku yimid tan iyo markii uu ka tagay Chelsea oo uu ugu biiray Real 2019 qiimo lacageed oo dhan  € 150m.

Ku dhawaad seddex sano iyo bar, Hazard ayaa kaliya 72 kulan u saftay kooxda reer Spain, waxaana uu kaliya 14 daqiiqo oo kubada cagta ah u ciyaaray Los Blancos tan iyo bartamihii bishii October.

error: Copy lama Ogola Fadlan