Home / Madadaalo / Kaftankii horseeday dhimashada

Kaftankii horseeday dhimashada

Himilo – Megan Meredith, oo 22-jir ah, ayaa ka degtay gaarigeeda si ay u fogeeyso qashin markii saaxiibkeed oo la socdaalayay uu si kaftan ah u xiray albaabka gaariga una is-daaray.

Waxa uu doonayay inuu ka baxsado, waxeyse haweeneydan isku dayday inay joojiso iyada oo fuushay muraayadda hore ee gaariga kuna dhagay biraha yar yar ee masaxa saxarka kusoo duulla miraayadda.

Wuxuu kaftaansi sababay inay shil galaan, Meredith ayaa ka jabtay jilibka, iyada oo markiiba loola cararay ispitaalka.

Qaliin qaatay shan saacadood, ayaa looga sameeyay jilibka, kaas oo horseeday inay weyso cunugeedii uurka ku jiray ee noqon lahaa curadkeeda.

Waxey sheegtay inay ogeyd khatarta ku xeendaaban in lagu kaftamo gaari socda, mar danbana aysan sameyn doonin falkaasi oo kale.

“Shilka waxa uu ahaa mid halis ah wuxuuna qoyskeena ka dhigay mid maran oo cidla ah” ayey tiri gabdhan 22-jirka ah.

Waxaa hadda oo laga saaray ispitaalka walise uma suuragalin inay ku socoto lugaheeda.

Cardiff Crown Cour, ee ku taala Wales, ayaa Keeley Harrison-saaxiibka Meredith- ku xukuntay 18-bilood oo ganaax ah.

Dhallinyarada ku nool wadamada dunida ayaa ku kaca kaftanno laga baaqsan karo, kuwaas oo mararka qaar ay ku waayaan noloshooda ama tan saaxiibadood.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan