Home / Macluumaad / Kailash Satyarthi – Ninka hoggaamiyay dhaq-dhaqaaqa ka dhanka ah Addoonsiga Carruurta.

Kailash Satyarthi – Ninka hoggaamiyay dhaq-dhaqaaqa ka dhanka ah Addoonsiga Carruurta.

Muqdisho – Ku guuleystaha Shahaadada Nabadda, Kailash Satyarthi wuxuu iskaga tagay shaqadiisa injineernimada si uu ugu hal-gamo kahor-tagga iyo sare u qaadista xuquuqda carruurta muddo ka badan 30 sanadood – isaga oo xoreeyey 80,000 oo carruur lagu shaqeysto ah, siiyayna rajo nololeed oo cusub.

Waana sababta NGO-ga Bachpan Bachao Andolan uu ugu soo if-baxay kan ugu ballaaran; uguna caansan ururrada u dooda xuquuqda carruurta ee dalka Hindiya – xattaa 60-jirkan Satyarthi wuxuu kusoo baxay ol’oleeye iyo geyfane caalami ah.

Wuxuu ka-ganacsiga, daabulka iyo ku shaqeysiga carruurta ku tilmaamay  sababaha faqriga, shaqo la’aanta, makasnimada ‘Jahliga’ iyo kororka bulshada.

Laga bilaabo shirkadaha aadka ugu tiirsan xoogga carruurta oo ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Hindiya sida; Delhi, Mumbai, Odisha iyo Jharkhand, ururkiisu wuxuu kasoo badbaadiyay carruur badan dhamaan qeybaha Hindiya.

Wuxuu si adag ugu ol’oleeyey in xeer kulul, ciqaab ahaan, laga sameeyo daabulka, ku shaqeysiga iyo ka-ganacsiga carruurta. Baaqiisuna wuxuu yeeshay saameyn.

Markii uu soo hana-qaadayay, Satyarthi wuxuu sheegay inuu aad uga walwalsanaan jiray muunada carruurta lagu shaqeysto oo hareerihiisa ku nool, waxayna ugu danbeyntii ku qaaday inuu dhaq-dhaqaaq abaabulo.

Isku daygii ugu horreeyey wuxuu ku qaaday warshad shaqaaleysiisa carruurta, wuxuuna kala kulmay fal-celin qaraar maamulka warshadda. Hayeeshe dadaalkiisu wuxuu ku bilowday mid si hoose loo qadariyay.

Wuxuu sidoo kale door fiican ka ciyaaray dhaq-dhaqaaqa xeerka sharciga wax-barashada oo carruurta si lacag la’aan loogu deeqo.

Abaal-marinno dhowr ah oo qaali ah ayaa la guddoonsiiyay oo ay kamid tahay Shahaadada Defenders of Democracy Award (2009-US), Medal of the Italian Senate (2007-Italy), Robert F Kennedy International Human Rights Award (USA) iyo Fredric Ebert International Human Rights Award (Germany).

Wuxuuna abuuray ururka Global March Against Child Labour – oo ah dhaq-dhaqaaq dalal badan ka jira. Wuxuu sidoo kale sumadeeyey astaan ka dhigan shahaado la siiyo dadka carruurta ka xureeya addoonsiga shaqada ee Koofur Aasiya.

Satyarthi waxaa loo magacaabay abaal-marinta Nobel Peace Prize marar badan si loo sii dhiirri-geliyo dadaalkiisa harsiga u diiday oo uu ku difaacayo xuquuqda carruurta.

Satyarthi waa qofkii koobaad ee ku dhashay Hindiya oo la guddoonsiiyo shahaadada Nobel Peace Prize.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan