Home / Cayaaro / Kalidou Koulibaly oo heshiiska shaqsiga la galay kooxda Manchester City

Kalidou Koulibaly oo heshiiska shaqsiga la galay kooxda Manchester City

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­–Kalidou Koulibaly ayaa lagu soo waramayaa in heshiiska shaqsiga ah uu la galay kooxda Manchester City halkaasi oo uu sanadkii ku qaadan doono qiimo dhan €12 milyan oo Yuuro.

Sida uu Sportitali u sheegay qabiirka dhanka suuqa ee Alfredo Pedullà, daafaca ayaa aqbalay soo jeedin heshiis oo kaga imaaday Manchester City.

Waxaa la rumeysan yahay in qiimaha uu laacibka xilli ciyaareedkii qaadan doono ay noqon doonto €9 milyan oo Yuuro, oo lagu daray €3 milyan Yuuro ah oo lagu qiimeyn doono qaab ciyaareedkiisa.

Tani waxay noqon doontaa labalaab mushaarka uu hadda ka qaato garoonka Stadio San Paolo.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan