Home / Macluumaad / Kalluun halis geliyay nolosha kalluumayste.

Kalluun halis geliyay nolosha kalluumayste.

Muqdisho – Kalluumayste ayaanay tiisu gelin kadib markii malaay uu dhuunta u galay kaas oo hunguriga cad xiray, marka loo eego booliska UK.

28-jirka ku nool Bournemouth kaas oo aan la heyb-sheegin, wuxuu la kalluumaysanayay saaxiibadiisa maalintii Khamiista.

Kalluumaystaha ayaa qabtay kalluun yar wuxuuna – si uu ugu muujiyo saaxiibadiisa inuu qabtay – madaxa saartay malaayga.

Durbadiiba, malaayga ayaa ka sibxaday gacantiisa wuxuuna kaga galay afkiisa kahor inta uusan xirin hunguriga cad.

Tubada hunguri cadka ayaa is xirtay waxaana ku adkaatay neefsiga.

Wuxuu  gacan-haadsaday saaxiibadiisa inay caawiyaan, goobjoogayaal ka agdhow meesha ayaa bilaabay inay ku sameeyaan gargaarka degdegga ah.

Markii ay yimaadeen howl-wadeennada gurmadka degdegga ah, wuxuu ninku  ku jiray xaalad neef qabad ah.

Waxay go’aansadeen inay isbitaalka kahor u fidiyaan la tacaalista ugu fiican. Waxa ugu danbeyn loo qaaday isbitaalka Royal Bournemouth halkaas oo uu kusoo bogsaday.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan