Buurta labaad ee ugu dheer caalamka ee K2 oo sidoo kale loo yaqaano Chhogori waxey ku taalaa waqooyiga ee dalka Pakistan,meel aan ka fogeyn soohdinta uu la wadaago Shiinaha.
Chhogori oo ka mid ah tixanaha buuraleyda Himilaayo waxaa dhirirkeeda uu gaaraa 8,611 oo mitir,taas oo ka dhigan inay ka gaaban tahay kaliya 237 mitir buurta ugu dheer dunida ee Everest.
Xaqiiqooyinka ku saabsan Karakoram2
Henry Godwin-Austen,sahmiyihii reer Egland ayaa loo tixgaliyaa inuu yahay ruuxii ugu horreeyay ee soo hela Buurta labaad ee ugu dheer dunida.Waxa uu soo ogaaday inay jirto qarnigii 19aad.
Magaca Chhogori ee looga yaqaano gudaha Pakistan waa laba eray oo la isku dhiririyay kuwaas oo la macna ah Buurta wayn.
Waxaa ay ka mid tahay buuraha ugu halista badan caalamka ee la fuulo,sababtana waxey tahay dhirirkeeda,janjeeradeeda dhagaxda ah ee aanan caawineynin qofka iyo barafka fadhiya.
Mid ka mid ah afartii ruux ee fuusha buurta Karakoram2 waa uu geeriyoodaa kahor inta uusan ka mira dhalin hadafkiisa.
Tan iyo markii la helay illaa laga soo gaaro sanadkii 1954-kii waxey ahayd buur uusan qofna isku dayin in uu fuusho.xilligaasi sahmiyihii reer Talyaani ee Ardito Desio ayaa gaaray barta ugu sareysa.
Sanadkii 1986-kii Wanda Rutkiewicz oo u dhalatay Poland ayaa noqotay haweeneydii ugu horreeysay ee tagta figta sare ee buurta Chhogori.
Intii u dhaxeysay sanadihii 1986 -2009 kaliya 12 haween ah ayaa ku guuleystay inay gaaraan barta sare,halka afarna ay geeriyoodeen iyagga oo isku dayga wada.
Xilliyada loo jecel yahay fuulista buurtan waa bilaha u dhaxeeya Guga iyo Deyrta.halka laba xilli ee kalana laga caago sababo la xiriira dabeylaha iyo roobka xoogan ee ku dhufanaya oo ay wehliso ceeryaamo.
Wali lam diiwaan galin qof gaaray fitga sare ee buurta labaad ee ugu dheer caalamka,iyada oo lagu jiro xilli Jilaal.