Himilo – Weeraryahanka Kooxda RCD Espanyol ee dalka Spain Nadya Karpova, ayaa ku catowday in dagaalka Ukraine uu saameeyay mustaqbalkeeda iyo dhamaan mustaqbalka Ciyaartoyda kala duwan ee waddanka Ruushka.
Waxaa ay sheegtay in dadka waddanka Ruushka ay u oggolaadeen in uu sameeyo waxa uu doono, taasna ay meesha ka saartay mustaqbalkooda.
Waxaa ay tiri haddii dadka Raashiya diidi lahaayeen dagaalka Ukraine ma dhacdeen in bahda Ciyaaraha ee ka soo jeeda Ruushka sidaas qaabka daran loo go’doomiyo.
Ciyaartooyda ka soo jeeda Ruushka ma ciyaari karaan dhamaan tartamada Caalamiga ah, sidoo kale kooxaha kala duwan ee Rag iyo Dumar leh ayaan heshiisyada u cusbooneysiineyn.
Ruushka waxaa Kooxahiisa iyo xulkiisa qaranka laga reebay Koobka Adduunka ee dhamaadka sanadkan ka furmay Qadar, iyo tartamada Qaaradda Europe ee Champions League iyo Europe League.
Waxaa ay tan iyo billowgii dagaalka barteeda Instagramka oo ay ku xiranyihiin 143,000 oo qof ku baahineysay farriimo ay ku diideyso dagaalka ka socda Waddanka Ukraine.
Sidoo kale Ciyaartooyda kale ee ka soo jeeda Waddanka Ruushka gaar ahaan kuwa ka ciyaara dibadda ayaa baahinayay farriimo ay ku diidayaan dagaalka iyada oo kuwa gudaha ay ciqaab la kulmayaan haddii ay ka soo horjeestaan dagaalka Putin uu ku qaaday waddanka Ukraine.