Home / Habka-Nolosha / Kasper Schmeichel oo doonaya in Chelsea ay ka badiso Tottenham

Kasper Schmeichel oo doonaya in Chelsea ay ka badiso Tottenham

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Leicester City  Kasper Schmeichel ayaa doonaya in kooxda kubadda cagta Chelsea ay caawa ka badiso dhigeeda Tottenham.

Leicester ayaa barbaro la dhaafi weysay dhigeeda Manchester United, waxayna u baahan tahay labo dhibcood oo dheeri ah si ay ugu dabaal degto hanashada horyaalka.

Haddii Blues ay ka badiso Tottenham, waa u guul dawacooyinka oo hiigsanaya taariikhda markii ugu horeysay hanashada horyaalka.

“Waxaan rajeyneynaa in Chelsea ay badiso ama barbaro gasho. Spurs ayaase awood u leh inay tagto Stamford Bridge kuna badiso.” Kasper ayaa sidaa yiri.

Cayaartoyda Leicester ayaana kulankan si wadajir ah u daawan doona xilli ay u sacaba tumayaan Chelsea.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan