Home / Cayaaro / Kelechi Iheanacho oo qalinka ugu duugay heshiis cusub Leicester ah

Kelechi Iheanacho oo qalinka ugu duugay heshiis cusub Leicester ah

Himilo – Kelechi Iheanacho ayaa qandaraas cusub oo seddex sano ah u saxiixay Leicester, isagoo kusii heyn doona King Power Stadium ilaa 2024.

Weeraryahanka reer Nigeria ayaa la abaalmariyay ka dib markii uu dhaliyay 7 gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, taasoo ah qaab ciyaareed uu ugu guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka bisha ee Premier League bishii Maarso.

Waxa uu leeyahay sagaal gool sagaalkiisii kulan ee ugu danbeysay – isagoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto 12kiisii kulan ee ugu horeysay – waxaana uu dhaliyay seddexleeydiisii ugu horeysay ee Premier League kulankii ay 5-0 kaga badiyeen Sheffield United 14 bishii Maarso.

Ka dib markii uu saxiixay heshiiskiisa cusub, Iheanacho ayaa u sheegay websaydka Leicester: ” Ma sheegi karo sida aan dareemayo. Waan faraxsanahay,waa layga adkaaday! Waa daqiiqado aad u wanaagsan waana ku faraxsanahay in Leicester City ay i siisay qandaraas cusub.

Iheanacho ayaa kaga soo biiray Leicester kooxda Manchester City sanadkii 2017, waxaana uu u  dhaliyay 32 gool 117 kulan uu u ciyaaray kooxda Foxes.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan