Home / Arrimaha Bulshada / Keliya in laga taageero nolosha kuma eka baahida carruurta barakaca ah

Keliya in laga taageero nolosha kuma eka baahida carruurta barakaca ah

Himilo – Carruurteenna waxaa ku jira hoggaamiyaashii ummadda hoggaankeeda la wareegi lahaa beri. Dhammaan hawlaha muhiimka ah ee nolosha waxay u baahan doonaan shaqsiyaad sii wada geeddi socodka taxanaha ah.

Ubadka waxay u baahan yihiin diyaarin xoog badan oo dhinac walba looga sameeyo maanta si ay waxtar wanaagsan ugu yeeshaan naftooda, ehelka iyo tan dadweynaha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.
Fursadaha carruurteenna ay u wada helaan diyaar garowga nolosha ayaysan u sinneyn. Boqollal ka mid ah ubaxa dalka ayaa ku sugan xeryaha barakaca kuwaas oo ka indho saaban maaxda laamaha cilmiga ee la barto.

Baahiyaha ka jira xeryaha dadka barakaca ah waa kuwo aan tiro laheyn. Tusaaleyaasha ugu horreeya ma haystaan hoyga wanaagsan, biyo nadiif iyo cunno ku filan.

Kuwani qaar ka mid ah baahiyada ay ishu durbo qabato balse waxaa jira baahiyo intaas ka miisaan culus oo ka jira xeryaha haddana aysan bulshadu u yeellan fiiro dheeri ah marka lala barbar dhigo kuwo hore.

Waxbarashada waa baahi ay tahay in mudnaan la siiyo marka la doonayo in la caawiyo dadka barakaca ah. Tacliintu waxay qaabeysaa aaya-tiinka dambe ee bulshooyinka maanta waana ta keentay in laga dhigo xaq aasaasi ah.

Hay’adaha sama falka marka ay doonayaan inay kaalmeeyaan dadka duruufaha ka soo cararay waxay diiradda saaraan hoyga, biyaha iyo cunnada. Waa tallaabo badbaadin ah balse aan laheyn dhigaal mustaqbal ah oo jeetama.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan