Himilo – Ciyaartoy badan ayaa arki doona qandaraasyadooda oo dhacaya saqda dhexe Caawa Giorgio Chiellini, Elseid Hysaj iyo Franck Ribery ayaa ka mid ah kuwa ugu caansan Serie A.
Iyadoo qandaraaska Lionel Messi uu dhacayo saqda dhexe ee caawa, Football Italia waxay soo bandhigtay kuwa kale ee koox la’aan noqon kara berrito
Qandaraaska Messi wuu dhacayaa, laakiin sida ay sheegayaan warbixino dhowr ah wuxuu durbaba la gaaray heshiis kordhinta joogitaankiisa Nou Camp.
sida laga soo xigtay Transfermarkt, waa ciyaartoyda ugu qiimaha badan ee arkaya qandaraasyadooda inay dhacayaan saqda dhexe waxa ay gaarayaan 29 xidig balse kuwa ugu caasan waxaa ka mida :-
Lionel Messi (Barcelona)
Gianluigi Donnarumma (Milan)
Sergio Ramos (Real Madrid)
Jerome Boateng (Bayern Munich)
Juna Mata (Man Utd)
David Luiz (Arsenal)
Franck Ribery (Fiorentina)
Giorgio Chiellini (Juventus)
Ryan Bertrand (Southampton)
Joshua King (Everton)
Patrick van Aanholt (Crystal Palace)
Mamadou Sakho (Crystal Palace)
Elseid Hysaj (Napoli)