Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney qashinka caagadaha iyo bacaha ka sameysa Bulukeeti awood badan
Kenya: Haweeney qashinka caagadaha iyo bacaha ka sameysa bulukeeti awood badan

Haweeney qashinka caagadaha iyo bacaha ka sameysa Bulukeeti awood badan

Himilo – Nzambi Matee oo ah haweeney u dhalatay Kenya waxay dadaalkeeda ugu badan ku bixisaa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada wasakheynta caagadaha iyo bacaha  ee ka jirta dalkeeda.

Shaqadeedu waa inay dib hagaajiso waxyaabaha haraadiga ee bacaha la tuuro, isku daygeedaas waxaa ka soo baxday natiijo sare oo aysan xitaa ku guuleysan warshahada wax soo saarka ee dunida ka jira.

Warshadeeda oo ku taalla Nairobi waxay qashinka bacaha ka soo saartaa bulukeedi la sheegay inuu aad uga awood badan tahay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararaka Reuters.

“Wax soo saarkaanaga wuxuu shan ilaa toddobo jeer ka awood badan yahay shubka.” Sidaas waxaa tiri Nzambi Matee.

Warshadeeda Gjenge Makers waxay qashinka ka soo uruursataa haraadiga warshadaha wax soo saarka kaddib waxay u rogtaa wax soo saar faa’iido leh.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan