Home / Macluumaad / Kenya – Hey’ad Guur u sameysa dhalin-yarada Muslimiinta ah oo aan heysan qarash.

Kenya – Hey’ad Guur u sameysa dhalin-yarada Muslimiinta ah oo aan heysan qarash.

Muqdish0 – Wiilasha Muslimiinta ah ee ku nool Milindi kuwaas oo aan heli karin adduun ay ku guursadaan waxay hadda fursad u helayaan inay aqal-galaan.

Mahad waxay uga celinayaan urur sama-fal ah oo arrintaas u istaagay.

“Dhalinyaro badan ayaa doonayay inay guursadaan, hayeeshe awoodi waayay oo sanado badan ku qaata doobnimada,” ayuu yiri Ahmed Aboud, oo ah guddoomiyaha Malindi Tawfiq Muslim Youth.

“Qarashka guurka waxaa ku jira cunnada lagu cunayo xafladda arooska oo ku dhawaad kun qofood ay kasoo qeyb-gali karaan.”

Aboud wuxuu ka hadlayay madasha xafladda oo la iskugu guurinayay lamaane gaaraya 20 oo lagu qabtay akadeemiyada Tahdeeb Muslim ee magaalada Milindi.

Hey’adda UAE AID oo la shaqeynaysa ururrada Sharjah Charity international, Kenya Humanitarian iyo Charity organization Malindi Kilifi ayaa suura-gelinaya mashruuca.

NGO-ga ayaa lamaanaha siinaya agabka lagu agaagumo guriga sida jiifka, maacuunta iyo wixii lamid ah. Waxay sidoo kale ugu deeqayaan qalab ay ku shaqeystaan sida harqaan, mootooyin iyo wixii la halmaala.

Lamaanayaal badan oo heli waayay fursad ay isku guursadaan goor dhow ayaa goor hore ku jira bisha Malabka ee habeennada farxadda.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan