Himilo- Kevin de Bruyne ayaa u sheegay saaxiibkiisii hore kooxda Manchester City Vincent Kompany inuu ku biiri doono Anderlecht ka hor inta uusan iska bixin kabaha Kubada Cagta.
Kompany ayaa ka tagay Etihad Stadium inta lagu jiro xagaagii si uu uga qabto door-maamule Anderlecht.
28-jirka ayaa wacad ku maray inuu ku biiri doono saaxiibkiis xulka qaranka Belgium iyo kooxdiisa marka uu ka tago Citizens.
“Waxaan rajeynayaa in mustaqbalkiisa ciyaareed uu noqon doono mid la yaab ku ah Anderlecht sidii City oo kale. Waxaan u sheegay inuu boos ka helo kooxdiisa aniga ahaan ,hal sano ama todoba ,marka aan halkaan ku dhameysto,” The Sun ayaa kasoo xigatay. De Bruyne.
De Bruyne wuxuu kasoo baxay dhalinyarada kooxda reer Belgain ee Genk – ugu dambeyn wuxuu 113 kulan u saftay kooxdooda koowaad ka hor inta uusan ku biirin Chelsea 2012-kii.
Kompany ayaa ku soo laabtay kooxdiisii carruurnimada ee dalkiisa hooyo ee Belgium oo uu la galay heshiis seddex sano ah horaantii xagaagan ka dib markii uu u ciyaaray 360 kulan 11 sano oo guulo ah oo uu ku soo qaatay City.
Labada xiddig ee reer Belgian ayaa kula guuleystay labo horyaal oo Premier League ah, hal FA Cup, iyo seddex League Cup afar xagaa oo ay wada joogeen City oo ay ka soo hoos ciyaareen tababare Manuel Pellegrini iyo Pep Guardiola.