Himilo – Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ayaa shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12aad ee dugsiga sare ee la qaaday dhammaadkii bishii May ee sanadkan 2022.
Imtixaanka oo lagu qaaday toban maado, waxaa u fariistay 33,468 arday oo in ka badan kala bar ay ahaayeen wiilal, balse waxaaa gudbay oo helay natiijiadii loo baahnaa 32,325 oo arday oo u dhiganta 97%, halka 1143 kalena ay hareen.
Marka laga yimaado ardayda gudubtay, waxaa jira in ka mid ah oo inta gudbay haddana oo kusoo baxay kaalmaha ugu horreeya, Waxaa ka mid ah Khaalid C/llaahi oo kaalin koowaad u galay in ka badan 32-kun ee baastay.
Radio Himilo ayuu u sheegay inuu dedaal badan ku soo baxay geedigiisii waxbarashada oo maanta dul keenay albaabka laga galo heerka koowaad ee jaamacadda. Guushiisa wuxuu aaminsan yahay marka laga tago naftiisa inay kaalin weyn ku lahaayeen waalidka iyo bareyaashiisa.
Da’yar ayaa sheegay inuu ku duceysan jiray gelidda kaalinta uu hadda galay, wuxuu intaas raaciyay inay riyadiisa aheyd halka uu maanta ka soo muuqday. Wuxuu sheegay inuu doonaya inuu waxbarashada ka gaaro heer wanaagsan.