Home / Macluumaad / Khadija Ayad al-Qorti: Geesiyad gurigeeda u beddeshay goob lagu daryeelo bukaanada qaba kansarka

Khadija Ayad al-Qorti: Geesiyad gurigeeda u beddeshay goob lagu daryeelo bukaanada qaba kansarka

Muqdisho – Carmalad u dhalatay Morroco ayaa gurigeeda oo ku yaal magaalada Rabat ee dalkaas waxa ay ka dhigtay xaruun lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka Kansarka.

Haweeneydan oo 72 jir ah ayaa aragtay in dad badan oo uu cudurka Kansarka soo ridanayo ay ka yimaadaan magaalooyin ka fog-fog caasimada Morroco ayna heli karin goob ay daawooyin ku qaataan, maadaama isbitaalada lacag qaali ah lagu seexdo.

Khadija ayaa aasaastay urur la magac baxay Jannat Association sanadkii 2009, dhowr bil kadib markiiuu seygeedii u dhintey cudurka Kansarka. Ururkan ayaa waxauu siiyaa jiif lacag la’aan ah bukaanada iyo xubnaha qoyska ee la socda, gaadiid bilaash ah oo ay ku tagaan xarunta laga qaato daawada Kansarka ee magaalada Rabat iyo weliba cunto mudada ay joogaan.

Haweeneydan ayaa waxa ay markiiba gurigeeda dejisaa illaa 15 ruux oo haween ah iyadoo u kireysay guri u dhow oo ay seexan karaan 15 kale.

Hassania Khayati oo 45 sano jir ah kuna dhacay cudurka kansarka ee naasaha oo aan wax ehel ah ku lahayn caasimada dalkeeda ee Rabbat kana soo jeeda magaalo lagu magacaabo Ksar El Kebir ayaa ku soo noqnoqonaysay xarunta Mama Khadija tan iyo bishii September 2017.

“Ma heli karno cid noo qabanaysa waxa uu ururkan noo sameeyay,xitaa qaraabadeena nama daryeeli karaan waayo waa sabool.”ayay tiri Khayati.

Khadija ayaa waxaa ay ku tiirsan tahay waxyar oo laga siiyo lacagta howlgabka ee seygeedii geeriyooday taasoo gaareysa illaa 450 Moroccan dirhams ($47.50)

Balse dadaalkeeda ayaa waxaa soo jiitay dowlada hoose ee magaalada Rabat iyo hay’adaha deeqaha bixiya, waxayna ururkeeda ka caawiyaan bil walba lacag gaareysa 4,000 Moroccan dirhams una dhiganta ($422)  taasoo ay isaga bixiyaan guriga kirada ah.

Tirada dadka uu cudurka Kansarka soo ridanayo dalka Morroco ayaa sare u kacday iyadoo sanad walba la diiwaangeliyo dad gaaraya afartan kun oo ruux. iyadoo haweenkana cudurka kansarka ee ku dhaca naasaha uu yahay kan ugu badan ee laga diiwaangeliyay wadanka Morroco oo ku yaal Waqooyiga qaarada Afrika.

Isha: Jowhar.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan