Iyada oo Bil ka hor dalka Turkiga uu ku dhuftay Dhul Gariir ay ku dhinteen 45,000 oo qof ayaa dowladda Turkiga iyo Qaramada Midoobey waxaa ay shaaciyeen khasaaraha Maaliyadeed ee ka dhashay dhul gariirkaas.
Warbixin ay soo saartay Qaramada midoobey oo soo xiganeysa Hay’adaha Dowladda Turkiga u qaabilsan tirakoobka musiibadii ka dhacday Waddankaas ayaa sheegtay in $100Bilyan oo doolar uu ka badanyahay khasaaraha Hantiyeed ee ka dhashay Dhul Gariirka.
Labada Dhul gariir ee ku dhuftay Turkiga iyo Syria ayaa isku dar dadka ku dhintay lagu sheegay 52,000 oo qof.
Bangiga Adduunka ayaa markii hore khasaaraha maaliyadeed k sheegay $34.2Bilyan oo doollar hayeeshee tirakoobka rasmiga ah ayaa muujiyay in ka badan $100B.
1.5Milyan oo qof ayaa wali ku nool Teendhooyin halka dad ka badan 46,000 kun ay wali ku noolyihiin Kunteenarro si ku meel gaar ah loo dejiyay.
Dowladda Turkiga ayaa ballanqaadday in ay dhiseyso dhamaan guryaha ku burburay dhul gariirka dadka waddankaasina heli doonaan Guryo ka wanaagsan kuwa ka dumay.