Home / Habka-Nolosha / Khubarada oo sheegaya in bisha Ramadaan ay tahay wakhti si fudud miisaanka lagu sixi karo

Khubarada oo sheegaya in bisha Ramadaan ay tahay wakhti si fudud miisaanka lagu sixi karo

Himilo – Tababarayaasha jirka ayaa  ku taliya in bisha Ramadaan la qaato cunnooyin qofka ka caawin kara gaajada maalinta soonka isla markaana sii xoojiya caafimaad qabka.

Dadka badan inta ay socoto bisha barakaysan waxay qaataan cunnooyin xad-dhaaf ah. Taasi waxay ku hoggaamisaa in miisaankoodu kordho bedelkii uu is dhimi lahaa.

Cunnooyinka aan isku dheelli-tirneyn ee la cuno waxaa ka dhasha cudurro saameyn ballaaran ku yeesha caafimaadka qofka sida daraasado la sameeyay lagu xaqiiqiyay.

Nouf Hamadallah oo ah haweeneyd tababaro jireed ah ayaa sheegtay in bisha Ramadaan ay tahay wakhtiga ugu fiican ee  laga hortagi karo cayilka badan iyo miisaanka kordha.  

Waxay sheegtay inay dad badan aysan shaqeyn oo ay u dhaxeeyaan wax cunid, fadhi iyo jiif sida iyaga oo xanuun kuwaas oo aan sameyn wax jimicsi jireed ah iyagoo cunnada cunto badan. Tani waxay ka hortagtaa inay inay caatoobaan kuwii islahaa soonka miisaanka ku yareeya.

Dhibaatada kale ee jirta dadku waxay ku afuraan ama ay ku saxuurtaan cunnooyin aan ahayn kuwii saxda ahaa ama ku habboonaa. Labadan xilli waxaa lagu taliyay in laga fogaado cunnooyinka dhibaatada ku keeni kara dheef-shiidka qofka.

Cuntada aad saxuur ahaan u qaadato sida khubarada laga soo xigtay waxay go’aamisaa sida ay noqon doonto tamartaada maalinta xigta. Soo jeedinta bahda caafimaadka ayaa ah inay ka koobnaato Protein iyo khudaarta noocyadeeda kala duwan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan