Himilo – Sida lagu shaaciyay xog uruurin ay sameeysay jaamacadda Johns Hopkins, dad ka badan 40-milyan iyo 107-kun oo ruux oo ku nool caalamka ayaa qaaday feyruska Karona.
32 maalin kahor dadka qaaday feyruska ayaa ahaa 30-milyan, taasi oo muujineysa in wax badan 10-milyan ay ku kordheen.
Wadamada Mareykanka, Brazil iyo India ayaa laga diiwaan galiyay inta ugu badan kiisaska Covid-19, inkastoo Yurub qudheedana tiradada sii kordheyso. Mareykanka 10-kun ee qof ee ku nool 247 ka mid ah ayuu ku dhacay cudurka Covid-19.
Cel celis ahaan 347-kun oo qof ayaa qaaday coronavirus todobaadkii u danbeeyay, marka loo barbardhigo midkii ugu horreeyay bisha oktoober ee ahaa 292-kun. Dalalka reer Yurub ee Britain, Faransiiska, Ruushka iyo Spain, ayaa ku jira tobanka hore.
Badi wadamadaasi waxaa la xiray Iskuuladii, iyada oo lasoo rogay xayiraadyo cusub markii la arkay kiisaska xanuunka oo sii fidaya.