Himilo – Dad ka badan 43-milyan oo ruux ayaa qaaday feyruska Karona, halka tiro kale oo ka badan 1.1-milyan-na ay u geeriyoodeen caalamka oo dhan, sida lagu shaaciyay tirakoobkii ugu danbeeyay worldometer.
Maalinkii dad gaaraya 452,895 qof ayaa qaada feyruska karona, halka 5,599-na ay u geeriyoodaan. Ku dhawaad 32-milyan ayaa ka bogsaday cudurka Covid-19 tan iyo markii uu dillaacay December-tii hore.
Mareykanka ayaa wali horkacaya, halka India iyo Brazil-na ay yihiin wadamada ku xiga, marka loo eego dalalka ugu daran ee xunuunku saameeynta taban ku yeeshay.
USA, ku dhawaad 8.9-milyan oo qof ayuu ku dhacay covid-19, halka 230,085 kalena ay u geeriyoodeen.
India, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka 50,129 oo kiisas cusub ah ayaa laga diiwaan galiyay 24-kii saac ee u danbeeyay, kuwaas oo 578 ka mida ay yihiin dhimasho.
Brazil, kiisasku waxey marayaan 5.4-milyan, iyadoona maalinkii ay qaadaan 25,574 qof. Dalkeena xoogaa hoos u dhaca ayaa laga dareemayaa kiisaska cudurka Covid-19, waxeyna marayaan 3,897 kiis.