Home / COVID 19 / Kiisaska Covid-19 ee India oo kor u dhaafay 8.8 Milyan

Kiisaska Covid-19 ee India oo kor u dhaafay 8.8 Milyan

Himilo – Tirada guud ee kiisaska cudurka Covid-19 ee India ayaa kor u dhaafay 8.8 milyan, xilli wadankaasi laga diiwaan galiyay 24-kii saac ee danbeysay 41,100 kiis, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

Wasaaradda ayaa xustay in ugu yaraantii 447 ruux ay u geeriyootay, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 129,635.

Sideed maalin oo xiriir ah ayaa laga soo warinayay dalkaasi kiisas ka hooseeya 50-kun, waxeyna wasaaraddu ku sifeeysay ififaalo wanaagsan oo muujineysa in tirada dadka qaadaya feyruska corona ay is dhimeyso.

Inkastoo uu hoos u dhacaasi jiro guud ahaan India, hadda waxaa jira magaalooyinka laga diiwaan galiyay kiisas ka badan kuwii hore sida caasimadda Delhi ee xudunta u ah feyruska. Iyada oo ay taasi jirto haddana waxaa balaayiin ruux oo Indian ah ay u debaal degayaan munaasibadda sanadlaha ah ee diiwaanli, taas oo dadka kulmi si ay u muujiyaan wadajir.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan