Himilo – Mareykanka waxaa kordhay tirada dadka qaaday feyruska corona, kuwaas oo oo gaaray 12,002,863 oo ruux, waxaana maalinkii laga diiwaan galiyaa in ka badan 200,000 oo kiisas cusub ah, sida uu baahiyay telefishinka NBC.
Waxaa sidoo kale kordhay dadka u dhimanaya xanuunka iyaga oo gaaray 255,567. In kabadan 50 gobol ayaa koror laga soo wariyay 14-kii cisho ee ina dhaafay.
Duqeyda gobolkada Mareykanka ayaa xoojiyay tilaabooyinka lagu xakameynayo mowjadda saddexaad ee Covid-19, iyaga oo adkeeyay hab raacyada xirashada gafuur xirka iyo isu imaatinka.
Xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudurada ayaa ku boorinaysa dadka inay ka baaqsadaan safarada maalinta fasaxa qaran ah ee Thanksgiving.