Home / Cayaaro / Klopp oo ka xanaaqay guddiga Liverpool ee diiday saxiixa 100M

Klopp oo ka xanaaqay guddiga Liverpool ee diiday saxiixa 100M

Himilo – Jurgen Klopp ayaa ka careysan madaxda Liverpool ee diidan inay la soo saxiixdaan daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly bishi January.

Liverpool ’dalabkeedii ahaa inay difaacato horyaalkeeda Premier League ayaa si weyn u saameysay horaantii xilli ciyaareedkaan markii Virgil van Dijk iyo Joe Gomez lagaga saaray inta ka dhiman ololaha dhaawacyo muddo dheer ah.

Klopp ayaa wajahay madax xanuun dheeraad ah kadib dhaawac soo gaaray Joel Matip, kaasoo sidoo kale ku maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan dhaawac anqowga ah.

Liverpool ayaa lagu qasbay inay u ciyaaraan Jordan Henderson iyo Fabinho oo ah daafacooda dhexe, ka dib guuldaradii 4-1 ee ka soo gaartay Manchester City Axadii waxay arkeen inay 10 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Pep Guardiola tartanka horyaalka.

Sida laga soo xigtay The Sun, Klopp waxaa koray jahwareer sii kordhaya oo ku saabsan siyaasada suuqa kala iibsiga ee Liverpool, wuxuu ka caraysanyahay  in kooxdu aysan ansixin heshiiska Koulibaly uu kagala soo wareegayo Napoli bishii Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa soo jiitay xiisaha kooxo dhowr ah oo Premier League ah, laakiin Napoli ayaa si adag ugu istaagtay qiimeynta 100 milyan ee gini.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Klopp uu u cadeeyay madaxda Liverpool in Koulibaly uu ahaa bartilmaameedkiisa koowaad.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan