Home / Cayaaro / Klopp “Waa laga yaabaa mustaqbalka balse hadda maya”

Klopp “Waa laga yaabaa mustaqbalka balse hadda maya”

Himilo – Hoggaamiyaha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ku adkeystay in uusan beddel u noqon doono Joachim Low kaasi oo hadda ah tababaraha qaranka Germany, sida uu wariyay daily Mail.

“Waa laga yaabaa mustaqbalka, balse hadda maya, maya sabatoo ah waqti uma hayo, waxaan heystaa shaqo oo aan ku qaadanayo Liverpool, ma bixi doono mana raadinayo loolan kale”, ayuu yiri tababare Klopp isaga oo beeninayay xanta suuqa.

53-jirkaan ayaa hadda waqti ku qaadanaya Anfield, kaas oo uu ku sugnaan doono illaa sanadka 2024-ka sida ku dhigan heshiiska cusub ee uu saxiixay December-tii tagtay.

Xulka qaranka Jermalka waxa ay muddooyinkii danbe wajahayay natiijooyin xun, xilli dhawaanna guuldarro qaraar ay kala kulmeen qaranka Spain taasi oo soo dadajisay suurtagalnimada Joachim Low in laga ceyriyo shaqada xulka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan