Home / Macluumaad / Koonfur Africa oo Israel uga guuleysatay dacwadii maxkamadda ICJ-da
South Africa's Department of International Relations and Cooperation (DIRCO) Director-General Zane Dangor, South African Foreign Minister Naledi Pandor and South African Ambassador to the Netherlands Vusimuzi Madonsela listen as the International Court of Justice (ICJ) rule on emergency measures against Israel following accusations by South Africa that the Israeli military operation in Gaza is a state-led genocide, in The Hague, Netherlands, January 26, 2024. REUTERS/Piroschka van de Wouw

Koonfur Africa oo Israel uga guuleysatay dacwadii maxkamadda ICJ-da

Himilo – Inkasta oo aysan soo saarin go’aankii lawada sugaye hadane waa guul weyn oo koonfur africa ay ka soo hoyse loolankii adkaa oo ay qareenada koonfur africa ay lagalen qareenadii difaacaye Israel.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa  bogaadiyay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Israa’iil ugu soo rogtay tallaabooyin deg-deg ah oo ku saabsan dagaalka Gaza, isagoo sheegay inuu ka filayo Israa’iil inay u hoggaansanto xukunka.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaado dhammaan tillaabooyinka laga maarmaanka ah ee looga hortagayo dambiyada dagaal, oo ka mid ah in dambi laga dhigo hadallada iyo falalka kicinta ah, iyo in ay qaadaan tillaabooyin lagu hagaajinayo xaaladda bini’aadantinimo ee marinka Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamaddu kuma baaqin xabbad-joojin, mana xaqiijin in gardarrada ka socota Qasa ay gaareyso xasuuq, waxaana laga yaabaa inay qaadato sannado badan si ay u soo saarto xukunkan.

Ramaphosa ayaa ku yiri khudbad uu u jeediyay Shacabka Koonfur Afrika, isaga oo tixraacayo xadgudubyada ay nidaamkii midab-takoorka u geysteen dadka madow ee Koonfur Afrika:

“Haddii aan nahay Koonfur Afrika daawadayaal ma noqon doono xilli dambiyadii naloogeystay meelo kale laga gaysanaayo”.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan