Home / Arrimaha Bulshada / Koonfur Kuuriya: Haweenka oo lacag lagu siinayo inay dhalaan!

Koonfur Kuuriya: Haweenka oo lacag lagu siinayo inay dhalaan!

Himilo FM – Si ay u dhiira-geliso dhalmada  ayay Koonfur Kuuriya waxay bilaabeysaa inay haweenayda lacag ku siiso cunug kasta oo ay dhasho.

Mareegtada la yiraahdo Shozan Elbo ayaa qortay warkan, waxayna tilmaamaysaa in baarlamaanka dalkaasi uu oggolaaday in lacag dhan 22,000 doolar la siiyo haweenay kasta oo cunug dhasha.

Kharashka lacagta waxaa laga bixin doonnaa miisaaniyadda dowladda iyadoo haweenayda la siinayo 22,000 doolar  markasta oo ay dhasho cunug.

Dalkan dhaca Asia ee Koonfur Kuuriya ayaa sannadkii waxaa ku dhasha 300 Kun oo cunug iyadoo uu ku bixi doonno kharash dhan 666 milyan oo doolar.

Mas’uuliyiinta Koonfur Kuuriya ayaa ka baqaya in dhalmo yarida saameyn ku yeelato awoodda shaqeysa iyo koriimada dhaqaalaha dalkaasi mustaqbalka dhaw.

Dad badan oo dalkaasi u dhashay ayaa ka labalabeynaya inay carruur dhalaan, waxaana taasi ugu wacan ascaarta nolosha oo sarreysa iyo haweenka oo ceyrsanaya xirfadahooda shaqo.

Sharcigan oo dhaqan geli doonna bisha October ee sanadka soo socda ayay dadka qaar soo dhaweeyeen halka kuwa kalana ku sheegeen inuu yahay mid siyaasadeysan oo xubnaha baarlamaanka uga dan leeyihiin inay ku helaan shacbiyadda dadweynaha doorashada sannadka 2019.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan