Kooxda marwada duqda ah ee juventus ayaa doonaysa in ay soo xeragaliso ciyaaryahankaan reer Serbia ee Branislav ivanovic, kaas oo u muuqda in uu ku jiro maalmahiisii ugu dambaeyay garoonka Stamford Bridge ee magaalada London
Laacibkan ayaa Chelsea kaga soo biiray Lokomotiv Moscow ee dalka ruushka 2008 waxa uuna qarka u saaran yahay in uu u safto kulankiisii 400 aad ee tartamada oo dhan.
Branislav waxa uu Chelsea kula guulaystay koobab badan oo uu kamid Champion leage, Europa League, EPL iyo kuwo kale.
Crystal Palace iyo AC Milan ayaa hore u doonayay xiddigan u dhashay Serbia sida ay qabto Tuttosport, hase yeshee waxaa hadda si dhaw ugu dhuun duleesha Juventus.
Chelsea ayaa kacabsi qabta in uu bilaash kaga tago ciyaaryahankan iyada oo doonaysa in ay iska fasaxdo bisha janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda si ay lacag uga hesho.
Ivanovic waxa uu lumiyey kalsoonidii uu ka haysay Chelsea iyo dhmaan taageerayaasha kooxda kaddib markii uu Conte hirgaliyay taatikada ku saleysan saddexdda daafac.