Home / Habka-Nolosha / Kooxda Elman oo saxiixyadii u horeeyay ee xagaaga sameysay

Kooxda Elman oo saxiixyadii u horeeyay ee xagaaga sameysay

Kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya xilli cayaareedka 2016-2017 oo bilo yar ay naga xigaan.

Kooxda kubadda cagta Elman oo ah mid kamid ah kooxaha taariikhda ugu guulaha badan horyaalka ayaa xagaagii idlaaday ku dhameysatay booska 7aad ee kala sareynta horyaalka.

Daahir Salaad iyo Cabdifitaax Carab oo daafaca danbe uga cayaari jiray kooxda heerka labaad u dhacday ee Saxafi ayaana si toos ah ugu wareegay kooxda Elman.

Waxaa la tuhunsan yahay in tiro cayaartoy ah oo kooxda Saxafi ka tirsan ay u dhaqaaqi doonaan kooxaha kale ee heerka koowaad jooga.

Elman ayaase noqotay kahor xagaaga cusub kooxdii u horeysay oo cayaartoy lasoo wareegta.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan