Waxaa galabta magaalada Muqdsiho ku wada ciyaaray kooxaha Madbacadda iyo Horseed oo labaduba ka mid ah kooxaha sanadkaan ka qeyb galaya horyaalka Somali Premier league.
Kulan ciyaareedkii galabta waxa uu ka dhacay Banaadir Stadioum ama Ex Koonis. Kulankaan ayaa ahaa mid aad loo wada sugayey sababtoo ah waxa uu u dhaxeeyay kooxo taariikh ahaan magac ku leh kubadda cagta Soomaaliya oo xiliyadii berisamaadka ay soo mareen xidigo aad loo jeclaa: sida Madbacadda qaranka oo uu soo ciyaaray Nuur Maxamed Amiin kabtankii MBC ahaana ku guuleystihii koobka bariga iyo bartamaha Africa ee xidigaha da’dooda ka hooseyso 21 jirada ee lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii 1982 ka dib markii ay ka xayuubiyeen xulka Zanzibaar, Halka sidoo kale kooxda Horseed ay harey u soo mareen laacibiin ay ka mid yihiin, Iskood,Siteey,Cafiif,Shaarkeey,Saciid Ducaale iyo xidigo kale oo aan qoraal ahaan halkaan lagu soo koobi Karin.
Kooxda Ciidanka Militiriga Soomaaliyeed ee Horseed oo kulankii hore 1-0 kaga soo badisay naadiga Banaadir Sc ayaa niyada ku heysay in ay galabta mar kale seddex dhibcood ay ka helaan kooxda Madbacadda hase yeeshee waxay ku noqtay wax aan la qiyaasi Karin markii bilowgii hore ee ciyaarta kooxda MBC ay ciyaarta la soo galeen dardar xoogan taasi oo ugu danbeyn siisay in ay barbaro ku celiyaan horseed.
Qeybtii hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay natiijo ah 0-0 markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda horseed ayaa la soo baxday duulaan adag oo ay ku doonayeen in ay ku helaan goolka 1aad ee kulanka, wuxuuna macalin Cumar Caruus ciyaarta bedel ku keenay garabka xoogan ee kooxda Laacibka lagu magacaabo Cadaani Barre Ciise isaga oo ciyaarta ka saaray Nuur Cali Xasan laakiin Madbacadda ayaa soo bandhigtay wax ka duwan wixii laga filayey sababtoo ah horseed oo maanka ku heysay in seddexda dhibcood ay si sahlan ku heli karaan ayey ku celiyeen bareejo goolal la’aan ah.
Guud ahaan kulan ciyaareedkii xiisaha badnaa ee u dhaxeeyay kooxaha Horseed iyo Madbacadda ayaa ku soo idlaaday natiijo 0-0 oo ay labada naadi isku mari waayeen, kooxda Horeed ayaa hadda min afar dhibcood la wadaagta Heegan iyo Dekedda, halka Madbacadda iyaguna ay la siman yihiin Jeenyo iyo Batroolka waxayna wadaagaan min laba dhibcood.