Home / Habka-Nolosha / Kooxo Premier League ka tirsan oo kormeerayaal u diray Sergej Milinkovic-Savic.

Kooxo Premier League ka tirsan oo kormeerayaal u diray Sergej Milinkovic-Savic.

Muqdisho – Saddex koox oo  Premier League-ga qeyb ka ah  ayaa u diray wakiilo daawada xiddiga  kooxda Lazio Sergej Milinkovic-Savic toddobaadyadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa soo jiitay qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn qaarada yurub, sida naadiyada Reer Spain ee  Real Madrid iyo Barcelona.

Lazio ayaa ku guuleysatay dadaalkeedii ay ku dooneysay iney ku sii xajisato xagaagan 23 sanno jirkaan, laakiin The Mirror ayaa soo jeedineysa in ay ku  adkaan  doonto sii ilaashiga laacibka marka  uu  bilowdo  sannadka cusub.

Manchester City, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood sheegay inay joogeen garoonka Stadio Olimpico isbuucii hore kulankii ay Lazio 4-1 kaga badisay Genoa.

Milinkovic-Savic ayaa shabaqa soo taabtay Kulankaas , laakiin waxa uu ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee toddobo kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkaan ciyaaray.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan