Home / Arrimaha Bulshada / Kowsar Dhibmil: “Sannadkii waxaan akhriyaa 25 buug”

Kowsar Dhibmil: “Sannadkii waxaan akhriyaa 25 buug”

Himilo – Macnaha akhriska waxaa lagu soo koobaa in qofka uu akhrin karo qoraal daabacan isaga oo dareenkiisu soo jeedo, si uu u fahmo una dhuux macnaha muuqda iyo kan daahsoon ee ku jira buugga, waregyska, amaba Majaladda uu akhrinayo.

Akhrisku wuxuu kobciyaa aqoonta iyo garaadka qofka, awooddiisa wax sababeyn ayuu xoojiyaa, wuxuu marar kalena ka caawiyaa inuu ka fakiro waxa qarsoon ee aan muuqan Karin, taasi oo ka dhigan in akhrisku ka shaqeynsiiyo awooddeena mala’awaalka.

Qof weliba ma yeelan karo xirfad akhris, sababtoo ah akhrisku waa xirfad qofka lagu tababaro. Dunida horumartay, qofka akhriska waxaa lagu tababaraa inta uu yar yahay ee uu dhiganayo dugsiga hoose amaba dhexe.

Bulshadeennu se ma lahan caado akhris, waana malaha halka ay innaga raacday naaseeysta tilmaameysa inaan nahay bulsho hadal. Balse taasi kama dhigna in guud ahaan bulshada ay yihiin kuwa aanan waxba akhrin.

Kowsar Dhibmil, oo ah arday jaamacadeed ayaa tusaalle u ah dhallintaasi, Inkasta oo ay rumeysan tahay inaysan weli yeelan caado akhris haddana waxey innoo sheegtay inta buug oo ay akhriso sanadkii.

“Wallaahi, maadaama nala yiraahdo bulsho hadal, qofka shaqsiga ah way adag tahay inuu yeesho caado akhris. Aniga 2016 ayaan billaabay wax akhriska inaan makhtabadaha wax ka akhryo ilaa haddana waan ku jiraa. Inkata oo aan is dhahayo ma aadan gaarin meeshii la rabay. Inaad naftaada si fiican u xakameyso ayaa kuu dhiman. Sannadkii waxaan akhriyaa 25 buug,” ayay tiri.

Inta la midka ah Kowsar ee leh xirfad Akhris, waxaa wehliya kuwa kale oo akhriska jecel balse aanan weli la qabsan, sida Ikram Beyle.

“Wallaahi dhab ahaantiii buugaan aan akhriyo way jiraan balse caado uma lihi,” ayay tiri.

Qaar badan oo ka mid ah bulshadeenna si gaar ah dhalinyarada waxey marar kala duwan isku dayayaan inay yeeshaan xirfad akhris, mase u suuragasho.

Qeybtood ayaa inta buug billaaba meel dhexe kaga taga, halka kuwana ay shan buug intay furaan aysan middina dhammeyn.

Bahda leh Xirfadda akhris ayaa qaba in dhalintaasi ay u baahan yihiin inay kaliya qeexaan sababta ay u aqriyaan buugga. Buug yar oo fudud oo aanan bogag badneyn oo ruuxu ku billaabaa isku daygiisana waa mid kale oo caawin karta.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan