Home / Habka-Nolosha / Ku guuleyso $100,000 haddii aad taleefankaaga ka maaranto sannad!

Ku guuleyso $100,000 haddii aad taleefankaaga ka maaranto sannad!

Himilo FM –  Shirakada Vitaminwater ayaa billowday tartan dadka ka qeybgalaya looga baahan yahay inay ka maarmi karaan taleefanadooda caaqilka ah iyo tablets-ka muddo sannad ah si qofkii ku guuleysta loogu abaal-mariyo 100 kun oo doolar.

Waa arrin adag in la sameeyo xilligan siiba waxay culeys ku tahay jiilka dhallinyarada maanta oo la qabsaday tiknolojiyadda casriga ah.

Shirkada Vitaminwater oo hoostagta Coca Cola ayaa diyaar u ah inay 100 kun oo doolar siiso qofkii ka maarmi kara taleefankiisa caaqilka ah muddo sannad ah.

Tartanka shirkada ayaa cinwaan looga dhigay “Maya taleefan muddo sannad ah,” waxaana laga doonayaa tartamayaasha inaysan isticmaalin taleefanka caaqilka ah iyo tablets-ka muddo 365 maalin ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in qofka uusan adeegsan taleefan qof kale leeyahay, waxaana laga saxiixayaa heshiis arrintaasi la xiriira.

Tartamayaasha ayaa marka hore la xulli doonaa, waxaana qofka la doorto uu saxiixayaa heshiiska tartanka oo soconaya sannad. Qofka ka soo baxa tartanka ayaa lagu abaal-marin doonaa 100 kun oo doolar.

Waxay u muuqataa inay fududahay arrintan hase ahaatee waxaad ku qasban tahay marka hore inaad ka qanciso shirkada Vitaminwater inaad tahay qof tartami kara oo u qalma.

Si aad u gasho tartankan mar la aragga ah, waxaad u baahan tahay inaad sawir dhigto Twitter ama Instagram kaddibna u sheeg shirkadda sababta kugu riixaysa inaad ka nasato taleefankaaga adiga oo isticmaalaya hal-ku-dhegga tartanka.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. Julian RrMhQdPYBpGNkO 5 20 2022 levitra generique 5mg dimenhydrinate famotidine 20 mg tablet uses in hindi A newborn blesbok calf rests with its mother at the Berlin Zoo on July 16, 2013, in Berlin, Germany

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan