Home / Macluumaad / Ku seexashada Marwaxado shidan waxay sababi kartaa dhimasho kedis ah!

Ku seexashada Marwaxado shidan waxay sababi kartaa dhimasho kedis ah!

Muqdisho – 44-jir u dhashay dalka Thailand ayaa u dhintay xanuun lagu magacaabo hypothermia kadib markii uu jiifsaday isaga oo saddex marwaxad ay ku dul babanayaan habeenkii oo dhan.

Sobthawee Boonkua, oo ku nool Tambon Nai Muang, gobalka Chaiyaphum wuxuu u baxay inuu soo fiiriyo hooyadiis wuxuuna go’aansaday inuu habeen la hoydo. Ka cabsashada inuu awoodi waayo helidda hurdo macaan, 44-jirkani wuxuu go’aansaday inuu seexdo gogol dhulka taalla iyo saddex marwaxad oo ku dulbabada. Nasiib-darro, kuma foojignayn natiijada ay tani la soo bixi karto.

Jirka Sobthawee oo qaboobay ayaa la helay subaxdii Jimcaha kahor inta aan lagula cararin bukaan-la-roor geysa isbitaalka. Markii la baaray sababta dhimashadiisa  waxaa la ogaaday inuu u dhintay hypothermia.

Ninka walaalkiis oo lagu magacaabo Saravuth wuxuu booliska u sheegay in wax dhibaato aysan uga muuqanin markii uu usoo hoyanayay.

Dhimashadan layaabka leh ma ahan markii ugu horreysay oo ay dhacdo. Jariiradda Korea Herald ayaa soo werisay in wax caadi ah ay ka tahay dalka Koofur Kuuriya oo falkan looga yaqaan fan death – dhimashada marwaxadda. Tiiyoo ay seynisyahannadu ku celceliyaan in laga foojignaado ku seexashada marwaxadda, haddana la’aanta caddaymo ayidi kara aragti cilmiyeedka ah in ay sababto xanuunka hypothermia ayaa Kuuriyaan kooban ka dhigtay inay fiiro gaar ah u yeelan waayaan halisteeda.

Hypothermia waa gargaar baxaano oo degdeg ah kaas oo dhaca markii jirku uu lumiyo kuleylka ama diirranaanta oogada in  ka badan inta uu soo daayo ama soo bixiyo taas oo sababaysa heerkul ka hooseeya midka caadiga ah ee 98.6 F (37 C).

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan