Home / Habka-Nolosha / Ku-tiri-ku-teen: Morata oo raba inuu Juventus ku laabto.

Ku-tiri-ku-teen: Morata oo raba inuu Juventus ku laabto.

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Alvaro Morata ayaa quudareynaya ku laabashada kooxdiisii hore Marwada Duqda lagu neeneyso ee Juventus, sida ay baahisay Corriere dello Sport.

Laacibka heerka caalami ee Spain ayaa xagaagii hore kusoo laabtay dalkiisa kadib markii laba waqti guuleed uu lasoo qaatay kooxda Juventus oo uu la qaaday laba koob. Hayeeshe Morata ayaan boos joogta ah ka helin macalin Zinadine Zidane.

Taasi waxay ku hoggaamisay laacibkan 24-jirka ah inuu tix-geliyo ku laabashadiisa kooxda Juventus – isaga oo wali xiriiro fiican la leh ciyaartoy kamid ah bahdiisii hore ee Marwada Duqda kala tirsanaa.

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan