Home / Habka-Nolosha / Kulamada furitaanka horyaalka Ingiriiska ee xagaaga soo aadan oo la baahiyay

Kulamada furitaanka horyaalka Ingiriiska ee xagaaga soo aadan oo la baahiyay

Premier League kooxda hanatay ee Leicester City ayaa kulankeeda u horeeya ee horyaalka xilli cayaareedka soo aadan ku beegan kooxda heerka hoose kasoo dalacday ee Hull City.

Dawacooyinka ayaa 10 dhibcood oo nadiif ah ku xaqiijiyay hanashada horyaalka xagaagii tegay, xilli ay aheyd bilowgiiba koox hanasho daayee afarta sare aan loo saadineyn.

Kulanka ugu xiisaha badan kulamada furitaanka ayaa ah cayaarta ay Arsenal ku beegan tahay dhigeeda Liverpool, halka Macallin Jose Mourinho kulankiisa koowaad ee kooxda Red Devils uu ku wajahanyahay Bournemouth.

Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ayaa minankooda kusoo dhoweyn doona Sunderland, iyadoo Antonio Conte uu ololihiisa Chelsea ku bilaabi doono kulanka London derby ee ay la dheelayaan West Ham United.

Everton iyo kooxda booska saddexaad ku dhameysatay ee Tottenham Hotspur ayaa isku arki doona Goodison Park xilli Southampton ay xeebta koonfureed ku marti soori doonto Watford.

Burnley iyoMiddlesbrough – oo si toos ah uga soo dalacay heerka hoose xagaagii idlaaday ayaa ku kala dhici doona kulamada koowaad kooxaha Swansea City iyo Stoke City, halka cayaarta u danbeyso ay dhexmari doonto West Bromwich Albion oo martineysa Crystal Palace.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan