Himilo – Iyadoo feyruska cusub uu kusii faafayo UK, haddana tirakoobka maalinlaha ah ee Covid-19, ayaa muujinaya in la diiwaan galiyay 36,804 oo kiis, kuwaasi oo aan kala caddeyn inuu yahay feyruska cusub iyo inkale, waxaana u geeriyooday 691 oo ruux.
Waaxda caafimaadka dadweynaha UK ee PHE, ayaa xaqiijisay in la helay 1108 oo kiis oo feyruska cusub ah wixii ka danbeeyay 13-kii bishan December. Sida ay sheegayaan Seynisyahannada UK Fiditaanka xawaaraha leh ee feyruska cusub waxaa loo aaneynayaa protein-ka ku jira oo ka badan kan tallaalka loo helay.
Todobadii maalin ee aanu kasoo gudubnay UK, waxaa qaaday coronavirus 222,199 oo qof, halka ay u dhinteen 3,400 oo ruux, taasi oo ah summad muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay fiditaanka feyruska, sida uu baahiyay talefishinka wionews.
Inkastoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo noocan cusub, haddana ma jiraan tilmaamo muujinaya inuu barbtilmaameedsan karo caruurta.