– Ismail Haniyeh waxa uu ku biiray Hamas 1987 intii lagu jiray kacdoonkii ugu horeeye
-Waa la xidhay, muddo kooban dabadeed waa la musaafuriyay
-2006-kii waxa uu noqday ra’iisul wasaaraha Falastiin
-2017-kii waxay uu ka tagay magaalada Gaza
Ismail Abdulsalam Ahmed Haniya waxa uu dhashey sanadkii 1962-kii, waxana uu ku dhashey xerada qaxootiga ee Shati oo ku taal meel galbeedka ka xigta magaalada Gaza, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa.
Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas.
Waxa uu ku koray Xamaas dhexdeeda isaga oo gacan-yaraha u ahaa aasaasihii Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin.
Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil. Horraantii sannadkan, weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa.
May 6, 2017, Xamaas ayaa Ismail Haniya u doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee kooxda isagoo bedelay Khaled Meshaal,
Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya waxaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah.
Haniyeh ayaa lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran.