Himilo – Paris Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay si bilaash ah ku waayi karto Kylian Mbappe sanadka 2024 halkii ay ka ahaan lahayd 2025 sidii markii hore loo malaynayay.
23-sano jirkaan ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Real Madrid bedelkeedii wuxuu saxiixay qandaraas cusub oo gaaraya 650,000 todobaadkii oo ku sii joogayay kooxda heysata horyaalka France.
Mbappe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskiisa cusub ee PSG uu socon doono muddo saddex sano ah, iyadoo weeraryahanka uu meesha ka sary inuu ku jiro heshiis ah 2025.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Mail, xiddiga reer France qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2024 isagoo leh ikhtiyaar sanad dheeri ah.
Natiijadii heshiiska labada sano ah, Mbappe ayaa gali doona sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan, taasoo ku qasbi karta PSG inay iibiso weeraryahanka ama ay ka wada xaajoodaan heshiis cusub.
Mbappe oo dhaliyay sagaal gool todobadii kulan ee uu saftay xilli ciyaareedkan, ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo kulanka Champions League ee PSG ay Arbacada ciyaarayso.