Himilo – Liem Kaplan, da’diisu waa 13-jir, balse layaabka ayaa ah in todobadii sanno ee ina dhaaftay uu hawlo samafal ah ka dhex waday bulshadiisa.
Tan iyo markii xanuunka Covid-19 uu ka dillaacay magaalada Seattle ee Mareykanka, waxa uu waday olole loogu baadi goobayo gafuur xir, dareeraha lagu nadiifiyo gacanta, cunno, dhar, iyo hooy dadka wadooyinka ku hoyda.
In ka badan 5-kun oo afsaab ayuu ugu deeqay ururo caawiya dadka darbiya jiifka ah tan iyo markii uu billaabay ololahan oo ay ku gacan siinayaan koox saaxiibadii ah. Waxey leeyihiin sidoo kale xarun dadkaasi lagu caawiyo oo 1,200 oo ruux gaarsiisay raashin.
“Waa qof fiican oo leh qalbi wayn” 62-jir magaciisa lagu soo koobay Tony ayaa sidaasi ku sifeeyay Liem. Hooyadii Nancy Kaplan oo la dhacsan shaqada uu hayo wiilkeeda ayaa u sheegtay Fox news in Liem hagaajiyay nolosha dad badan, waxa kaliya uu sidaasi u sameeynaya ay tahay inuu farxad dareemo.
Isaga oo ka qeyb galayay barnaamijka 13 weydiimo ee Fox, ayaa la su’aalay Muddo intee la eg ayaa sii wadi doontaan howshan? Waxa uu ku warceliyay Liem Kaplan “Inta nolosheyda ka dhiman, sababtoo ah waa wax aan jeclahay”.