Home / Habka-Nolosha / La kulan: 70 jirka Nus-qarni dayactira Saacadaha qadiimiga ah.

La kulan: 70 jirka Nus-qarni dayactira Saacadaha qadiimiga ah.

Himilo – Tallaabooyin u muuqda inay xoogaa gaabis ku yihiin iyo aragtida oo ka sii daciifaysa Muhammad Jaza oo 70 jir ah wuxuu u socdaa mid ka mid ah qolalka gurigiisa oo uu u qoondeeyay dayactirka saacadaha duugga ah iyo kuwa naadirka ah.

Wuxuu ku nool yahay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Sulaymaaniyah ee Gobolka Kurdistan, halkaas oo uu ku qaato qiyaastii 7 saacadood maalintii, taa oo ka dhigtay inuu caan ka noqdo gobolka iyo guud ahaan Ciraaq marka la’eego dayactirka noocyada saacadahaas.

50 sanno oo uu ku dhex jiray xirfadan, wuxuu weli ku adkaysanayaa inuu ku sii jiro inkasta oo ay da’du ka dabatimid, haddana waa tan kaliya uu farxad ku dareemo qabashadeeda.

Xariifnimada Jaza ee dayactirka saacadaha ayaa ku kaliftay milkiilayaasha dukaamada saacadaha ee Ciraaq inay u keenaan noocyo naadir ah oo duug ah, oo ay ku jiraan saacadaha darbiga iyo kuwa gacanta, oo qaarkood ay ka weyn yihiin 80 sanno, si uu u cilad bixiyo.

Ciraaqigan waayeelka ah ayaa maanka ku haya xusuusihii qurxoonaa ee xirfadiisa cajiibka ah, mid ka mid ah saacadihii ugu quruxda badnaa waa mid looga soo dhiibay waddan ku yaalla Qaaradda Yurub oo cimrigeeda lagu sheegay 100 sanno. Way awoodi waayeen inay hagaajiyaan saacaddan xirfadlayaasha kale ee dayactira saacadaha, laakiin isagu wuxuu awooday inuu dayactiro kaddib markii uu ogaaday cilladaha halka ay ka heysato.

Waxaa kale oo uu awooday inuu hindiso saacad u shaqeyneysa qaab cagsi ku ah sida caadiga ah ee lagu yaqaano, isaga oo laga dalbaday inuu wax ka beddelo meelaha tirooyinka ku jira.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan