Home / Macluumaad / La kulan – Aabaha u gaaroobay waxbaridda iyo Tarbiyadda carruurta

La kulan – Aabaha u gaaroobay waxbaridda iyo Tarbiyadda carruurta

Himilo — Ma ahan carruur uu aabbe iyo adeer toona u yahay. Mana ka ahan waardiye goobta ay joogaan. Ugamana sokeeyaan derisnimo.

Sidaas oo ay tahay, haddana, Efaliste wuxuu 23-kii sano ee lasoo dhaafay uu noloshiisa u huray barbaarintooda iyo inuu ku koriyo hab dhaqan suuban oo ay kula dhex noolaadaan bulshadooda marka ay weynaadaan.

Sannadkii 1998-kii, maalin isaga oo kasoo baxaya iskuulkii uu macalinka ka ahaa ayuu dareemay xaddiga dhibaatada ay la kulmayaan carruurta yaryar ee qaarkood la-qabsanaya qabitanka balwadda maandooriyaha, tuuganimada, xatooyada iyo fadqalalooyinka ay ka geystaan guryaha jaarka ah iyaga oo shiid kala daalaya.

Wax badan kuma ay qaadan markii uu shaqadiisa macalinimada uga ruqseystay inuu wax ka beddelo nolosha ilmaha yaryar ee kasoo jeeda qoysaska saboolka ah kuwaas oo aan heli Karin marin ay ilmahooda u mariyaan helidda barbaarin wanaagsan iyo tarbiyo.

Sidaas darteed, toddobadii carruur oo uu ku bilaabay xaruntiisa – si uu anshaxa suuban iyo akhlaaqda dadka lagula dhaqmo baraya – waxay tiradoodu kor u dhaaftay 300. Maanta qaar badan oo ilmahaas kamid ah waxay ku koreen dhaqan suuban – iyaga oo ka badbaaday aafada dhaqamadii haraadiga ahaa ee waxyeeli karay mustaqbalkooda.

Subax walba guryahooda ayuu kasoo kaxeeyaa ilmahan yaryar isaga oo saacado dhowr ah ku maaweeliya agtiisa. La jooggiisa waxay ku baranayaan isla dhaqanka fiican, iskaashiga, walaaltinimada iyo intaas oo dhan wax uga sii muhiimsan oo ah inay la jaal noqdaan saaxiibo xun ama ay u dhamaadaan nolol mugdi ah.

In yar kaddib marka ay 8 jirsadaan ayaa la geeyaa iskuullada dadweynaha iyaga oo qaba tarbiyad iyo barbaarin bulsho.

Efaliste waa aabbe ay u joogaan afar carruur ah. Laakiin, ilmahani wuxuu ugu jiraa booskii aabbenimada. Waana qofka ugu muhiimsan ee raadeynaya caqligooda una diyaarinaya mustaqbal aanay awoodi Karin inay maanta iyagu gacmahooda ku sameystaan.

Inaad caawiye iyo halyey bulsho noqotaa kuma xirna inaad heysatid lacag adag ama aad tahay qof caan ah. Kaliya waxay kaaga xiran tahay ka go’naansho xeeldheer iyo insaanimo. Waayo Efaliste isaga oo ah xubeer fara maran ayuu gu’yaal badan usoo dhabar-adeygay xaqjiinta yool iyo aragti aanay cid waliba ku dhiirran Karin inay u noolaadaan.

Waana astaamaha lagu yaqaan dadka sabab qurux badan u heysta inay u noolaadaan si ay hadaf umadeed u xaqiijiyaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan