Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Bare u kabo qaatay inuu carruurta ka badbaadiyo qabatinta taleefannada iyo internet-ka

La kulan – Bare u kabo qaatay inuu carruurta ka badbaadiyo qabatinta taleefannada iyo internet-ka

Himilo –  Bare jaamacadeed oo ku sugan Muqdisho ayaa soo saaray horraantii January 2022 App loogu tala galay in wax lagu baro carruurta laguna madadaaliyo.

Aasaasaha Fariid App ayaa sheegay inay fekraddan ku dhalatay markii uu arkay in Mobile-da iyo Tv-yada inay carruurta ka lumiyaan wakhti badan oo aysan wax ka faa’iidin.

Helaha bartan oo aabbe ah ayaa sheegay inuu shaqsiyan carruurtiisa ka celin waayay taleefannada iyo internet-ka oo uu aaminsan in macluumaadka ku jira uu yahay mid aan ku habbooneyn carruurta.

Wuxuu sheegay inuu app-kan ubadka u sahlayo inuu koriyo garaadkooda maadaama gudihiisa ay ku jiraan barnaamijyo dhaqan, suugaan iyo diiniba ah oo ku jaan go’an fahanka carruurta da’ kasta.

Bud dhigaha App-ka ayaa sheegay in xogta ku jirta app-ka ay qiimo jaban ugu iibin karaan waalidiinta carruurtooda si ay uga badbaadiyaan inay ku haftaan marin habaabinta ka socota baraha bulshada.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan