Home / Macluumaad / La kulan: Danbiile doonay inuu is dhiibo balse waayay boliis xira

La kulan: Danbiile doonay inuu is dhiibo balse waayay boliis xira

Himilo – Akram Uddin, oo xukunsane ahaa, ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala koofur-bari England, bishii June ee sanadkan, si uu u booqdo hooyadii.

48-saac kadib baxsashadiisa, ayuu la xiriiray abuukaatihiisa markaas oo uu kula taliyay inuu si dhiibo, sida laga soo xigtay maxkamadda gacanta ku haysa kiiska Akram.

Waxa uu sheegay Uddin, inuu todobo jeer ah tagey saldhig boliis oo ku yaala koofur-bari London, waxaana lagu wargaliyay in aysan soo bixin warqaddii lagu xiri lahaa.

19-kii August ayey ugu danbeyn soo baxday warqadiisa, iyada oo laga xiray bariga magaalada London xilli uu ku safrayey gaari yar.

Garsoore Maxkamadeed ayaa hadda amray in dib loo baaro qaabka uu Akram kaga baxday xabsiga, isaga oo xukunkiisana ku kordhiyay afar bil oo dheeri ah.

Akram Uddin, oo 27-jir ah, ayaa sanadkii 2017-dii maxkamad ku riday xukun xabsi oo gaara 7-sanno iyo 9-bil, markaas oo lagu helay danbi ah inuu isku dayay in sagaal boliis ahaa uu ka iibsado bistoolad.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan