La kulan – Da’yarka lix sano ka soomay adeegsiga baraha bulshada

Himilo – Adeegsiga baraha bulshada waxaa ku indho qaada oo qabatima carruur badan balse waxaa jira waalidiinta ubadkooda ka ilaaliya ama xaddida wakhtiga kaga baxa.

Lix sano ka hor hooyo ka soo jeeda Mareykanka ayaa wiilkeeda u ballan qaaday inay abaal gud siin doonto 15 jirkiisa haddii uu ka caaganaado baraha bulshada.

Lorna Goldstrand Klefsaas oo reer Minnesota ah ayaa wiilkeeda  Sivert Klefsaas siisay $1,800 kadib markii uu ka soo dhalaalay ballankii ay la gashay 2016.

Lorna ayaa barteeda Facebook soo dhigtay sawirka wiilkeeda. Waxay soo raacisay qoraal ah in  Sivert hadda wuu baraha bulshda ku yeelan karo akoono badan.

“lix sano ka hor waxaan siiyay $1,800 isagoo 12 ah. Wuu oofiyay ballankii hadda isagoo ah 18 jir ah wuxuu isku helay $1,800 iyo aknoonno uu ku yeelannayo Instagram, Snapchat, and Twitter,” sidaas waxaa qortay Goldstrand.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay aragtidan ku dhalatay markii ay aragtay gabadheeda weyn oo walwal iyo walaac ka dhaxashay baraha bulshada.

error: Copy lama Ogola Fadlan