Home / Caafimaad / La kulan: Dhaqtarka 60-ka sanno daweeynayay bukaanada saboolka ah

La kulan: Dhaqtarka 60-ka sanno daweeynayay bukaanada saboolka ah

Himilo – 60-kii sanno ee ina dhaafay Ramchandra Dandekar oo degan gobolka Maharashtra ee dalka India waxa uu waday howlo uu ku caawinayo bukaanada saboolka ah ee ku nool miyigi fog.

87-jirkan maalin waliba 06: 30 aroornimo ayuu aadaa deegaanada miyiga ah, isaga oo adeegsanaya baaskiilkiisa ay u saran yihiin labada boorso ee dawooyinka iyo qalabka baaristuba ku jiraan, waxa uuna badanaa kasoo laabtaa 01:00 duhurnimo.

“Haddii aan u baahdo waqti kale habeenkii ayaan ku laabtaa, lixdankii sanno ee aan shaqadaan wadayna ma arag wax carqaladeeya wadadeyda” ayuu Dr Dandekar u sheegay Newindianexpress.

“Waxaan ahay 87-jir balse ma daallo mana doonayo inaan nasto, waxaanse rabaa inaan u adeego dadkeyga taasi ayaana isiisa tamar badan” ayuu sii raaciyay.

Kumanaan bukaano sabool ah ayuu daweeyay, isaga oo aanan waajib kaga dhigin inay qarashka dawada bixiyaan maadaama lacag uu kusoo gaday qudhiisa, kuwaas oo aan ka baxsan karin qarashaadka safarka iyo dawada magaalada.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan