Home / Macluumaad / Dhaqtarka Bukaannadiisa Kansarka qaba ka cafiyay Deymihii ku qornaa

Dhaqtarka Bukaannadiisa Kansarka qaba ka cafiyay Deymihii ku qornaa

Himilo – Dhaqtar Muslim ah oo ku nool Maraykanka laguna magacaabo Omar Atiq ayaa go’aansaday inuu deynta ka dhaafo ama ka cafiyo bukaannada la xanuunka Kansarka kuwaas oo in badan oo kamid ah aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagta ku qoran.

“Waqti badan waxaan usoo joognay danyar aan awoodi karin inay iska bixiyaan lacagta isbitaalka,” ayuu u sheegay Good Morning America.

“Aniga iyo xaaskayga waxaan ka fikirnay sida nagala gudboon. Sidaas darteed, waxaan go’aan ku gaarnay inaan ka cafino deymaha.”

Dr. Atiq oo ku gaaroobay daweynta Kansarka wuxuu sannadkii 1991 helay Arkansas Cancer Institute. Xaruntiisa ayaa dhambaal sannadka cusub ku saabsan u dirtay bukaannadeeda.

Dhambaalka ayaa lagu yiri; “Waxay Xarunta Daweynta Kansarka ku faraxsan tahay bedqabkiina iyo soo kabashada muuqata oo aad ka sameyneysaan dagaalka aad kula jirtaan Kansarka, si culeyska dhinaca maaliyadda ah ee idinka heysta bixinta deymaha idin ku qoran aysan mushkilad kale idin kugu noqon, waxaan go’aansannay inaan idin ka cafino deymaha idin ku wada qoran. Waxaan idin rajeynaynaa sannad cusub iyo caafimaad waara.”

Dhaqtarkan Pakistani Americanka ah wuxuu sheegay in sannadkii hore uu ahaa mid caqabado badan uuna ku faraxsan yahay inuu bukaannadiisa u caawiyay maaliyad ahaan.

“Jiradu waa xanuun. Kansar inuu kugu dhacana waa ugu daran yahay; inuu kugu dhacay waqti uu dunida kala xiray xanuunka Corona Virus-na waa musiibo,” ayuu yiri Atiq.

Adduun lacageed oo dhan $650,000 ayaa laga cafiyay ku dhawaad 200 oo bukaanno ah.

“Waxaan ahay qof lamid ah qof kale oo deriskiisa ah, waxaana ku faraxsanahay inaan caawiyaye u noqdo.”

Dr. Atiq wuxuu rajeynayaa in sannadka cusub uu noqon doono mid ka yididiilo iyo fursado badan sannadkii hore.

“Waan jeclahay bukaannadayda; waan daryeelaa; inaan maanta caawiyayna waxay ii tahay farxad.”

About Sadia Nour

3 comments

  1. The sci-fi technology tackling malarial mosquitos – Environmental campaigner Liz O’Neill doesn’t mince her words about gene drives – the next generation of genetic modification (GM) technology https://neurontinline.tumblr.com/

  2. One of America’s most accurate tech investors says this tech could trigger https://artevinostudio.com/myphp/buyneurontinonline/ the single biggest financial event since 1602

  3. Get the lowest accutane prescription price at accutane prescription price and save on your medication expenses.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan