Home / Arrimaha Bulshada / La kulan: Diin-diinka ugu da’da weyn

La kulan: Diin-diinka ugu da’da weyn

Himilo – Jonathan waa 190 jir ku guuleystay inuu galo diiwaanka – Guinness World Records – sidaas wuxuu ku noqday diin-diinka ugu da’da weyn abid. Waxaa la runeysan yahay inuu dhashay sannadku markuu ahaa 1832-dii. Noolayaasha dhulka ku dul nool midka ugu da’da weyn inuu yahay ayaa loo tixgeliyaa.

“Da’da Jonathan waa qiyaas lagu saleeyay inuu ahaa mid jira ugu yaraan 50 sano  markii uu yimid jasiiradda St Helena Island 1882. Xitaa waxaan filayaa inuu ka weyn da’daas la qiyaasay,” Guinness World Records ayaa sidaa xustay.

Diin-diinkan wuxuu ku nool yahay guriga duqa Jaziiradda St Helena, koox toddobaadkii labo mar quudiya ayaa sheegay inuu cawska si wanaagsan u daaqo, balse waxaa sii daciifaya aragiisa iyo dareenka wax urinta. Masuuliyiinka ayaa sheegay inuu maqalkiisu fiican yahay. Wuxuu jecel yahay inay dad weheliyaan, hurdada, iyo wax cunidda.

Khudaarta iyo miraha aan laga marin waxaa ka mid ah; kabajka, qajaarka, karootada, tufaax, muus, iyo  cansalaatada. Wuxuu jecel sidoo kale jecel yahay qorraxda balse maalmaha kuleylka  wuu harsadaa. Marka uu qabow jiro wuxuu  daneeyaa inuu isku qariyo caleemaha hoostooda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan