Home / Arrimaha Bulshada / La Kulan: Farshaxaniistaha xirfaddeeda ku wacyigelisa bulshada

La Kulan: Farshaxaniistaha xirfaddeeda ku wacyigelisa bulshada

Himilo – Sanaa Yuusuf Maxamuud waa farshaxaniiste, xirfadeeda waxey u adeegsataa soo bandhigidda dhaqanka iyo hiddaha suuban ee soomaalida. Inkasta oo ay xirfaddan jecleyd tan iyo yaraanteedii haddana ma helin goob ay ka barato oo ay ku hormariso, sida ay u sheegtay warbaahinta Himilo.

Waxaase nasiibku saaciday markii ay waxbarasho u aaday dalka turkiga, halkaasi oo ay ka heshay dugsi lagu barto farshaxanka. Barashada ka sokow waxey fursad u heshay inay la kulanto farshaxaniisteyaal kale oo muddo ku jiray howsha.

Dib ugu soo laabashadeedii dalka, waxey billawday inay horumariso oo ay wax cusub ku kordhiso xirfaddeeda. Marka laga yimaado sawiridda agabyada hiddaha iyo dhaqanka ah, waxey hibadeeda ku wacyigelisaa bulshada.

Isbaddelka ku yimid cimilada ayey xilliyada qaar ka sameysaa sawir-gcmeedyo, si shacabka ugu bararugaan halista jirta, iyada oo sidoo kale ka qeyb qaadato maalmaha xorriyadda markaasi oo ay soo bandhigto sawiro ka hadlaya horumarka dalka.

Muddada shanta sano ah oo ay ku jirto xirfaddan, culeyska ugu wayn ee haysta ayey ku sheegtay inuu yahay helidda agabka ay u adeegsato farshaxankeeda, midkaasi oo aanan laga helin dalka. Waxey ku qasbanaata inay ka doonato dalalka Kenya amaba Turkiga.

Wallow ay culeysyadaasi ula kulnto si joogta ah, haddana waxey ku raja weyn tahay dadaal welibana ka bixisaa sidii ay uga dhabeyn lahayd riyadeeda ah inay noqoto Farshaxaniinste lagu soo hirto.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan