La kulan: Gabadha kaliya ee Taksiga ku dhex wadata Qaza

Himilo – Nael Abu Jibba waa hooyo haysata shan caruur ah oo ku nool kana dhex shaqeysata marinka Qaza ee dhulka Falastiin, markii ay waysay wax shaqo ah ayey billaawday iney kaxeyso taksi si ay u maareeyso nolosha reerkeeda.

Waa gabadha kaliya ee wade ka ah takaasida ka dhex shaqeeya Falastiin waxeyse bartilmaameed u noqotay dadweynaha qaar oo ku dhaliila shaqadeeda.

“Mararka qaar hadalo xanaf leh ayaa la ii soo mariyaa baraha bulshada, qasrkood ayaa igu yiraahda shaqadan ma aha middii dumarka, waxaad sababtiin shil, balse xaqiiqda ayaa ah in haweenku ka degan yihiin kana taxadar badan yihiin ragga shaqadan kula jira” ayey u sheegtay 39 jirtaan Reuters.

“Marka ay dumarku kasoo baxaan salonka oo ay u socdaan xaflad oo ay marsan yihiin Make Up waxey jecel yihiin inay raacaan haween” ayey sii raacisay Abu Jibba waxaana uga marqaati kacay macaamiilkeeda Sousan Abu Ateila oo 28 jir ah iyada oo tiri “Waxaan dareennaa qanacsanaan badan”.

Iyada oo xiran xijaabkeeda Nael Abu Jibba ayey laamiyada marinka Qaza ku dhex wadataa gaarigeeda yar ee Al Mukhtara, inkastoo aysan ka gudbi karin xaduudda sababo la xiriira xayiraadda ay dul dhigeen Masar iyo Yahuudda.

Ma haysato xilligan macaamiil xooggan oo waxaa dadkii ku xirnaa kala dhantaalay xanuunka Covid-19 oo yareeyay dhaqdhaqaaqii dadka waxeyse rajeyneysaa in shaqadeyda ay ballaariso oo ay gaarto heer shirkad.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan